Banaanbax Looga Soo Horjeeday Farmaajo Oo Mar Kale Ka Dhacay Muqdisho

0
126

Banaanbax looga soo horjeeday muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay mar kale ka dhacay qeybo kamid ah Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Dadweyne farabadan oo isugu jiray dhalinyaro, Haween, Caruur iyo Odayaal ayaa afurkii kadib isugu soo baxay waddooyin ku yaalla degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid, isla markaana ahaa kuwo kasoo horjeeda muddo kororsiga Farmaajo.

Banaanbaxayaasha ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah Farmaajo oo ay kamid yihiin (doonimeyno Farmaajo, doorasho diid doonimeyno iyo ha dhaco), isla markaana sitay boorar ay ku dalbanayaan in Madaxweynaha dalka isaga baxo oo ay ku tilmaameen inuu yahay kaligii taliye, ayna kasoo horjeedan tallaabadaas.

Qaar kamid ah dadkii banaanbaxa dhigayay ayaa Madaxweyne Farmaajo ka dalbaday inuu tanaasul sameeyo, dalkana ay ka dhacdo doorasho heshiis lagu wada yahay, si looga fogaado wax kasta oo keeni kara qalalaaso siyaasadeed.

Si kastaba habeenadii lasoo dhaafay ayaa waxaa degmooyinka qaarkood ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ka dhacaayay banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeday muddo kororsiga Farmaajo, waxaana Madaxweynaha loogu baaqayay inuu tanaasulo.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here