Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka & Dimuqraadiyeynta maamulka Puntland ayaa fududeysay Shirka nabadaynta iyo dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Saax-maygaag.
Gogosha oo uu dhigay, daahna furay Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maantay ka qabsoontay deegaanka Harwanaag, kaas oo ay ka soo qayb galeen Isimo, Nabadoono, Siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Federaalka. Shirka waxaa laga soo saaray go’aamo gundhig iyo tiir u ah nabadda iyo wada noolaashaha beelaha walaalaha ah.
Go’aamadaas oo ka kooban afar qodob ayaa kala ah.
1.Xabad joojin rasmiya oo la dhex dhigay beelihii dirirtu dhex martay.
2.kala rarista ciidamadii dirirtu dhex martay.
3.In dowladu la wareegto amniga deegaanka lagu diriray.
4.Dowladdu waxay magacaabaysaa guddi kormeera hirgelinta go’aanada shirka.
5.In ciddii jebisa heshiiska lagu ganaaxo 200 oo halaad oo aan wakhti lahayn.