Berdaale: Machadka Nabadda Koonfur Galbeed oo Soo Abaabulay Kulan Ciyaareed Lagu Xoojinayo Midnimada Dhalinyarada

Machadka Nabadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Degmada Berdaale ku qabtay kulan ciyaareed lagu xoojinayo nabadda, midnimada, iyo wadajirka bulshada.

Munaasabadda waxaa lagu furay ciyaar saaxiibtinimo oo dhexmartay Degmooyinka Berdaale iyo Yurkud, iyadoo dhalinyarada lagu dhiirrigeliyey doorkooda nabadeynta. Mas’uuliyiin iyo bulshada deegaanka ayaa bogaadiyey muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin dhismaha nabadda, is-dhexgalka bulshada, iyo xoojinta wadajir waara.

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.