CENTCOM oo beenisay sheegashada Iiraan ee ah in askar Mareykan ah la qabtay

Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa Sabtidii beeniyay in xubno ka tirsan ciidamada Mareykanka ay Iiraan afduubatay ama ay qabatay.
Qoraal uu soo dhigay bogga X, madaxa amniga Iiraan Ali Larijani ayaa yiri: “Waxaa la ii sheegay in dhowr askari oo Mareykan ah la qabtay.”
Kabtanka Ciidamada Badda Mareykanka Tim Hawkins, oo ah afhayeenka Taliska Dhexe ee Mareykanka, ayaa yiri: “Nidaamka Iiraan wuxuu sameynayaa wax kasta oo uu awoodo si uu been u sheego oo uu u khiyaaneeyo. Tani waa tusaale kale oo cad.”
Trump fiidnimadii Sabtida wuxuu sheegay in uusan dan ka lahayn hanjabaadaha uu sameeyay Larijani, kaasoo yiri “Trump waa inuu bixiyaa” weerarrada Mareykanka ee Iiraan.
“Ma garanayo waxa uu ka hadlayo, cidda uu yahay. Dan kama lihi,” ayuu Trump ku yiri wareysi uu siiyay CBS News fiidnimadii Sabtida, isagoo raaciyay in Larijani “hore looga adkaaday.”






