Ciidamada amniga, oo xidhay Gen Gebre.

Ciidamada ammaanka ee Tigrayga ayaa xiray Sarreeye guuto Guesh Gebre oo ahaa taliyihii hore ee ‘Ciidanka milateriga qaybta 15aad.
“Ma jirto cid sharciga ka sarreysa, waana sababta loo xiray,” ayuu yiri taliye sare oo ka tirsan ciidamada milateriga.
Sarreeye Guuto Gabre ayaa caan ku ah in uu ka horyimaado taliyayaasha ciidamada qalabka sida ee gobolka kuwaas oo taageeray shirwaynihii guud ee kooxda TPLF, wuxuuna dalbaday in isbeddal lagu sameeyo maamulka kumeel gaarka ah ee Tigrayga oo uu hogaamiyo Getachew Reda.
Gabre oo ka soo horjeeday Taliyeyaasha loo yaqaano “kuwa ciidanka ka sarreeya” ayaa shaqada laga joojiyay tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii hore.
Xafiiska Nabadgelyada iyo Amniga ee gobolka ayaa boggiisa Facebook ku shaaciyay habeenimadii Sabtida in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadayaan xubnaha “ku xad-gudbay anshaxa iyo sharciga.”
