Ciidamadii iyo Maamulkii Buurhakaba oo Ka Baxay Baydhabo Kadib Dagaal ay la Galeen Cabdicasiis Laftagareen”

Ciidamadii iyo Maamulkii Buurhakaba oo Ka Baxay Baydhabo Kadib Dagaal ay la Galeen Cabdicasiis Laftagareen”

Ciidamo iyo mas’uuliyiin ka soo jeeda degmada Buurhakaba oo door muuqda ka qaatay isbeddelkii ka dhacay Koonfur Galbeed ayaa maanta bilaabay inay ka baxaan magaalada Baydhabo, iyagoo muujinaya caro iyo niyad jab ku aaddan sida loola dhaqmay.

 

Kooxdan ayaa sheegtay in aysan helin magacaabis, tixgelin iyo xuquuqdii ay filayeen kadib kaalintii weynayd ee ay ka qaateen dagaalladii lagu qabsaday Baydhabo. Waxay xuseen in ay ahaayeen laf-dhabarta howlgalka, isla markaana ay bixiyeen askarta ugu badan ee ku naf waayey dagaalka.

 

Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ka soo jeeda Buurhakaba ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ka waayeen dowladdii ay taageereen xilal, dhaqaale iyo xurmad ay mudnaayeen, taas oo keentay go’aankooda ah inay dib ugu laabtaan deegaankooda.

 

Degmada Buurhakaba ayaa hore loogu aqoonsanaa inay ka mid ahayd goobihii ugu horreeyey ee lagu abaabulay mucaaradka iyo ciidamadii horseeday isbeddelka Koonfur Galbeed. Dadka deegaanka iyo ciidamadan ayaa aaminsan in guusha laga gaaray Baydhabo aysan suuragal noqon lahayn haddii aan Buurhakaba door weyn ka qaadan lahayn, gaar ahaan jabintii awooddii maamulkii hore.

 

Wararka ayaa sheegaya in saacadaha soo socda ay si buuxda uga bixi doonaan magaalada Baydhabo, iyagoo ku laabanaya Buurhakaba. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac laga qabo inay saameyn ku yeelato xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee Baydhabo iyo guud ahaan Koonfur Galbeed.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights