Jeneraal Shub oo u Jiheystay Doolow: Xiisad Cusub oo Gobolka Ka Dhex Curtay”

Jeneraal Shub oo u Jiheystay Doolow: Xiisad Cusub oo Gobolka Ka Dhex Curtay”

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in Jeneraal Shub la filayo inuu maanta gaaro degmada Doolow, arrin si weyn loo hadal hayo oo la aaminsan yahay inaysan u roonayn dowladda federaalka Soomaaliya oo horey xabsi guri u galisay kadibna sii deysay markii dambe.

 

Shalay aroortii hore, wafdi ka socday maamulkii hore ee Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa gaaray Doolow. Wafdigan waxaa hoggaaminayay afhayeenkii hore iyo Wasiirka Amniga maamulkaasi inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin ujeeddada safarkooda ay ku tageen Doolow.

 

Dhaqdhaqaaqyadan is barbar socda ayaa kusoo beegmaya xilli ay cirka isku shareerayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira gobolka, iyadoo falanqeeyayaal ay tilmaamayaan in socdaalladan ay la xiriiri karaan qorshayaal cusub oo saameyn ku yeelan kara jihada siyaasadda iyo amniga ee deegaanka xilli ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee taabacsan madaxweynihii loo awood sheegtay ay usoo ruqaansadeen dhinaca gobolka Baay iyagoo ku hanjabay inay qabsan doonaan magaalada Baydhabo.

 

Ilaa hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada ku lugta leh, taasoo sii kordhisay shakiga iyo hadal-heynta ku saabsan waxa ka socda Doolow.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights