Ciidamo lagu daadiyay wadooyinka Magalada Berbera & doorasho ka dhaceysa

0
102

Waxaa Maanta siweyn loo adkeeyay Amniga guud ee Magaalada Berbera ee Gobolka Togdheer, halkaas oo ay ka dhaceyso Maanta doorashada Guddoomiyaha Magaalada Berbera iyo kuxigeenkiisa.

Inta badan wadooyinka iyo xaafadah qaar ee magalada Berbera ayaa waxaa Maanta lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo hub kala duwna wata, kuwaas oo amniga siwyen u xaqiijinaya mararka qaarna baaritaan ku sameeynaya Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Xubnaha cusub ee golaha Deegaanka Berbera ayaa dooran doona Guddoomiyaha iyo ku-xigeen, waxaana tartan adag uu dhex-mari doonaa  Maxamed Dable, oo ah Ganacsade siyaasadda ku soo biiray iyo Cabdishakuur Ciddin, oo horey Guddoomiye  uga ahaa magaalada Berbera.

Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliland & Xisbiyada Mucaaradka ayaa ku sugan magalada Berbera si ay goobjoog uga noqdaan doorashada Guddoomiyaha Magaalada Berbera iyo kuxigeenkiisa.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here