Ciidanka AMISOM oo dawo geeyay Isbitaalka Dhoobley (SAWIRRO)

0
161

Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa dawo iyo cunto geeyay Isbitaalka Guud ee Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, bisha Ramadan awgeed.

Militariga Kenya ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya ayaa dawadan iyo cuntaba geeyay isbitaalkaasi, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee AMISOM.

“Iyadoo laga duulayo bisha barakeysan ee Ramadan, askarta Kenya ee ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya (AMISOM) ayaa kormeeray Isbitaalka Guud ee Dhoobley, si ay uga farxiyaan dadka jira, waxayna ugu deeqeen dawooyin aad loogu baahan yahay iyo noocyo kala duwan oo cunto ah.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay “Dhoobley iyo nawaaxigeeda, Ciidamada Kenya waxay sannadihii la soo dhaafay ka wadeen mashaariic kala duwan oo horumarineed, sida xero caafimaad oo bilaash ah, dhismaha xarumo caafimaad iyo iskuulo, nadiifinta wadooyinka waaweyn, taageeridda xarumaha isboortiga iyo munaasabadaha ka qaybgalka dhallinyarada, oo qayb ka ah iskaashiga AMISOM iyo Militariga. Waxqabadyada ayaana loogu talagalay xoojinta xiriirka bulshada deegaanka.”

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay Ramadan kasta adeegyo u fidiyaan bukaanada iyo kuwa ku barakacay colaadaha iyo weliba masiibooyinka dabiiciga.

“Inta lagu jiro bisha Ramadan waxay ciidamada fidiyaan oo ay yareeyaan dhibaatada bukaanada iyo kuwa ku barakacay iska horimaadyada iyo masiibooyinka dabiiciga ah.”

Iskuduwaha Isbitaalka Guud ee Dhoobley, Sugaal Faarax Xareed ayaa deeqdaasi ka guddoomay Taliye Kuxigeenka Qaybta 2aad ee Hawlgalka AMISOM, Col. Pascal Kitiro.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here