Ciidamada daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kumaandooska Danab ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyay deegaanno ku yaal galbeedka gobolka J/hoose.
Howlgalkan oo ahaa mid qorsheeysay ayay ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland iyo ururka 5-aad ee guutada 16-aad ee kumaandooska Danab si wadajir ah uga fuliyeen deegaanno dhowr ah oo Dhaca Gobolka Jubbada Hoose Halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.
Deegaannada ay ciidamadu Howlgalada ka fuliyeen waxaa kamid ah Bura, Xawalo Koofi, Fareydhubow, Yaaq dabeel ilaa deegaanka Buuloxaaji oo dhammaantood ka tirsan gobolka J/hose.
Warkasoo baxay warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in xubnihii kabtirsa Al-shabaab ay isaga carareen deegaannadan, waxaana ay sheegeen in hadda si buuxda ay gacanta ugu haya ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka