Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa fuliyay howlgal amni

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka howl gala Degmada Wanlaweyn Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa fuliyay howlgal amni oo si aad ah loo qorsheeyay.
Howlgalka ayaa lagu burburiyay baro koontaroolo sharci-darro ah iyo goobo gabaad u ahaa kooxda Khawaarijta.
Howlgalka waxaa hoggaaminayay Taliyaha Hay’adda NISA ee Degmada Wanlaweyn
Mudane Cabdullaahi Ibraahim Balash.
Intii uu socday howlgalka ciidamada ayaa sameeyay baaritaanno amni oo ballaaran, kuwaas oo si gaar ah diiradda loogu saaray deegaano ay kamid yihiin Warmaxan,God Dofaar, Ramkuulow, Jiidane, iyo Sharey.
Saraakiisha Hogaaminyay howl galka ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay sugidda amniga guud, ka hortaga falalka argagixisanimo, iyo xaqiijinta Xasilloonida shacabka.
