Ciidanka Soomaalida Ee Tababarka Loogu Qaaday Eritrea Oo Ka Dagaalamay Gobolka Tigray

0
120

Warbixin Khaas ah oo uu Baaraha Khaaska ee Guddiga QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha soo saartay ayaa lagu bidhaamiyey inay Ciiddanka Soomaalida ee Tababarka loogu qaaday  ku lug lahaayeen dagaalka horseeday geerida Kumanaan qof iyo Barakaca Tobanaan kun oo kale.

Warbixintaasi oo sumadeeda Tixraaca ahaa A/HRC/47/21 waxaa lagu xusay in Baaraha Khaaska ee QM soo gaareen Warbixin iyo Warar sheegayo in Ciiddanka Soomaalida ee Tababarka Milliteri laga qaaday Xeradii Tababarka, lana geeyey Jiidda hore ee Dagaalka ee Gobalka Tigrayga, waxayna Ciiddanka Soomaalida oo ay wehliyeen Milliteriga Eritrea ka gudbeen Xuduudka dalka Ethiopia.

Baaraha Khaaska ee Guddiga QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha waxa kale oo uu Warbixintiisa ku xusay inuu hayo warar muujinayo inay Dagaalamayaasha Soomaalida xilli xaadirkan ku sugan yihiin daafaha magaalladda AKSUN ee Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga Ethiopia.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here