Abaaraha ka jira qeybo ka mid ah gobollada Soomaaliya ayaa saameeyey boqollaal kun oo xoolo-dhaqato iyo beeraley isugu jira oo ku nool gobollada koofureed ee Soomaaliya.
Dadkaasi waxaa ku jira boqollaal qoys oo markii ay ku xoolo beeleen abaarta kusoo barakacay oo soo miciin biday degmada Diinsoor ee gobolka Bay.