Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xukun dil ah ku Fuliyay nin ay dil Toogasho ah ku xukuntay Maxkamadda Al-Shabaab ee Gobolada Bay iyo Bakool
Maxkamadda Al-Shabaab ee Gobolada Bay iyo Bakool Ayaa waxa ay xukun dil qisaas ah ku fulisay nin lagu magacaabi jiray Shiikh Mad Caliyow Isxaaq oo Horay ay u xukuntay Maxkamadda Al-Shabaab
Al-Shabaab ayaa ninkaan la dilay ku eedeyay in horay deegaan hoos taga magaalada Baydhaba ugu dilay saddex qof oo muslimiin ah.
Shiikh Mad Caliyow Isxaaq oo da’diisu ahayd (42)- sanno jir ayaa waxa warkasoo baxay Al-Shabaab lagu sheegay in Maxkamadda ay uga soo dacwad woodeen ehellada dadka uu laayay.
Maxkamaddu waxay sheegtay in ehellada 2 ka mid ah dadkii uu dilay Mad Caliyow ay doorbideen in ay diyo ku cafiyaan eedaysanaha halka ehellada midka 3-aad na ay codsadeen in loo qisaaso taas oo ugu dambayn keentay in maxkamadda xukun dil qisaas ah ku riddo eedaysanaha ayaa lagu yiri war Alshabaab ay ku baahiyeen barahooda intarneetka
Al-Shabaab ayaa sheegay in dadweyne aad u fara badan ay kasoo soo qeyb galeen xukunkaan dilka ah oo ka dhacay goob fagaaro ah oo kuyaal degmada Buula-fulaay ee Gobolada Bay iyo Bakool