Deegaanka Aato: 163 Qoys oo Nugul oo ku Nool Gobolka Bakool oo Helay Taageero Bini’aadantinimo

163 qoys oo ka mid ah qoysaska ugu nugul ee ku nool deegaanka Aato ee gobolka Bakool ayaa la gaarsiiyey raashin isugu jira bur, bariis, digir iyo saliid. Sidoo kale, 500 qoys oo kale ayaa loo bilaabay adeegga biyo nadiif ah, kaas oo socon doona muddo hal bil ah.
Mashruucan gargaarka ah waxaa fulinaya hay’adaha MARDO iyo ACF, halka maalgelinta ay bixiyeen hay’adda NRC iyo deeq-bixiyeyaasha Dowladda Ingiriiska ee FCDO. Gargaarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada looga jawaabayo baaqii la xiriiray abaarta ee ay soo saartay Wasaaradda Maareynta Masiibooyinka Dowladda Koonfur Galbeed, si loo yareeyo saameynta abaarta ku yeelatay bulshooyinka ku tiirsan beeraha iyo dhaqashada xoolaha.
