Madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moise ayaa la dilay goordhow, waxaa sidaas goordhow sheegay ra’iisul wasaaraha ku-meel gaarka ah ee dalkaas.
Jovonel Moïse ayaa lagu dhex-dilay guri khaas ah oo uu degan yahay, abaare 1:00 am xilliga Haiti, waxaana dilka fuliuyey koox hubeysan, sida uu sheegay ra’iisul waaare Claude Joseph oo war-saxaafadeed soo saaray..
Josep ma uusan shaacin waxa ay ahaayeen kooxdaas, hase yeeshee wuxuu sheegay inay ku hadlayeen luuqadda Spanish-ka.
Weerarka ayaa waxaa sidoo kale lagu dhaawacay marwada koowaad, sida bayaanka lagu sheegay.
Naga filo faah-faahin goordhow Insha Allah.