DFS ayaa joojisay heshiiskii ay la lahayd dowladda Imaaraatka Carabta.

Golaha wasiirada Xukuumadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ka laabatay dhammaan heshiisyadii ay hore ula gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la xiriiray amniga, difaaca iyo gaashaandhigga dalka.
Go’aankan ayaa kasoo baxay fadhi maanta ay yeesheen Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu ansixiyay go’aan qaran oo lagu burinayo dhammaan heshiisyadii amni iyo difaac ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in go’aankan uu salka ku hayo ilaalinta madax-bannaanida dalka, midnimada qaranka, iyo ku dhaqanka dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxa kale oo lagu xusay in heshiisyadaasi ay si toos ah u saameynayeen amniga qaranka iyo awoodda dowladda ee ku aaddan ilaalinta difaaca dalka.
War-saxaafadeedka kasoo baxay xukuumadda ayaa lagu caddeeyay in dhammaan heshiisyadii lala galay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, gaar ahaan kuwa la xiriira tababarrada ciidanka, iskaashiga amniga, iyo gaashaandhigga, ay hadda wixii ka dambeeya yihiin kuwo la joojiyay oo aan wax saameyn sharci ah lahayn.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weli ka go’an tahay xiriir diblomaasiyadeed oo ku saleysan is-ixtiraam, madax-bannaani, iyo danaha qaran, islamarkaana ay diyaar u tahay wada-shaqeyn caalami ah oo waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.
Go’aankan ayaa imanaya xilli ay dowladda Soomaaliya dadaal xooggan ugu jirto adkeynta madax-bannaanida qaranka. Imaaraadka Carabta ayaa jab kala kulantay wadamada Yemen, Soomaaliya iyo wadamo kale.
Qoraalka Golaha wasiirada ayaa u qornaa sidan
Muqdisho, Isniin, 12 Janaayo 2026:-– Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu buriyay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la xiriiray dhinacyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah.
Go’aankaan waxa uu khuseeyaa dhammaan heshiisyada iyo wadashaqaynta ay ku joogeen dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo, Go’aankaan ayaa la xiriiray warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya, waxa ay ku caddaynaysaa masuuliyaddeeda iyo xuquuqdeeda madaxbannaani ee la xiriirta dhulkeeda, dekadaheeda, arrimaheeda amniga, iyo arrimaheeda dibedda.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyey Hindise-sharciyeedka Ilaalinta Madax-bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda F. Soomaaliyeed, Hindise-sharciyeedka Taxkiimka, Xeer-nidaamiyaha Sanduuqa Qaran ee Maareynta Khataraha musiibooyinka dalka (NDRMF) iyo Xeer-nidaamiyaha Sharciga Adeegyada Shirkadaha.
Hindise Sharciyeedka illaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed oo ka kooban dhawr iyo tobon qodob, ayaa mamnuucaya heshiis kasta oo ay maamul hoosaadyada iyo hey’adaha gaarka ah la galaan cid shisheeye ah, iyada oo aanan wax ogeysiin iyo oggolaansho laga haysanin dowladda federaalka Soomaaliya, korjoogtay
