DFS oo feejignaan gashay: Mareykanka oo wado qorshe saamayn weyn leh…

DFS oo feejignaan gashay: Mareykanka oo wado qorshe saamayn weyn leh…

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Wakiillada ee Maraykanka ayaa soo gudbiyay hindise sharciyeed cusub oo cinwaankiisu yahay “Taxpayer Protection and Somalia Accountability Act of 2026”, kaas oo loogu talagalay in lagu hakiyo kaalmada dibadda ee laba-geesoodka ah iyo tan dhinacyo badan leh ee loo fidiyo Dowladda Soomaaliya.

 

Sida ku xusan bogga hindise-sharciyeedka ee la soo bandhigay, qoraalka waxaa lagu soo gudbiyay Aqalka Wakiillada taariikhdu markay ahayd 16-ka Abriil 2026, waxaana soo gudbiyey Mr. Jackson oo ka tirsan Texas, isaga oo ay weheliyaan Mr. Barr, Mr. Miller oo Ohio ka tirsan, Mr. Baird, iyo Mr. Burchett.

 

Qoraalka hindise-sharciyeedka ayaa si kooban u sheegay in ujeeddada sharciyadan ay tahay in la hakiyo gargaarka dibadda ee laba-geesoodka ah iyo midka caalamiga ah ee loo fidiyo Dowladda Soomaaliya, isla markaana loogu fuliyo arrimo kale oo la xiriira.

 

Qaybta hore ee qoraalka waxa kale oo ay sheegaysaa in sharcigan lagu magacaabi karo “Taxpayer Protection and Somalia Accountability Act of 2026.” Intaas ka dibna waxa lagu bilaabay qaybta “Sense of Congress” oo ah qodob muujinaya mowqifka Congress-ka Maraykanka, iyadoo qoraalku halkaas ka sii socdo.

 

Hindise-sharciyeedkan ayaa imaanaya xilli dood xooggan ay ka taagan tahay kaalinta Maraykanka ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira hufnaanta gargaarka, maamulka hantida dadweynaha, iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights