Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa shil gaari oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland.
Shilka ayaa yimid, kadib markii uu rogmaday gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen 5 wiil oo dhalinyaro ah, waxaana gaariga uu la gadoomay xili ay marayeen degaanka Sheerbi ee Gobolka Garkaar.
Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyooday shilkaas ka dhacay Sheerbi, halka saddex qof kalena ay soo gaareen dhaawacyo culus, isla markaana la geeyay Xarun Caafimaad, sida ay ku warrameen dadka deegaanka.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in dhalinyaradan shilka ka dhashay ay kasoo ambabaxeen Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, si ay tartan kubada cagta ah u lasoo ciyaaraan fasaxa ciidka kooxo kale oo ay isku deegaan kasoo jeedaan oo ku sugan Magaaladda Qardho.
Shilal kala duwan oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa horey uga dhacay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Puntland, waxaana inta badan shilalka loo sababeyaa waddooyinka qaarkood oo burbursan.