Dhaqdhaqaaqa wafdiga ka socda Jabuuti ayaa maanta soo gaaray magaalada Laascaanood.

Wafdi sare oo ka socda dalka Jabuuti ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, ayagoo u tagay ka qeybgalka Munaasabadda Caleema-saarka Madaxda Dowlad Goboleedkan.
Wafdigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jabuuti Muumin Xasan Barre ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Jabuuti Ridwaan Xirsi Bahdoon, Xildhibaanno, Saraakiil Ciidan iyo Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Amb. Maxamed-rashiid.
Wafdiga waxaa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Mudane Cabdulqaadir Firdhiye, waxaana hadda loo gelbiyey gudaha magaalada Laascaanood.
