Diyaarad C130 Aircraft oo ah nooca xamuulka qaada oo laga lee yahay wadanka Talyaaniga  ayaa muqdisho maanta kadajisay qalab militry.

Mar an fogeyn Wasiirka gaashaandhiga Talyaaniga ayaa Baarlamaanka dalkiisa ka hor sheegay in dalkiisa Soomaaliya dayacay isaga xusay in Talyaaniga oo gumeystay Soomaaliya uu haatan ugu saameyn batay Turkiga.

 

Wasiirka ayaa madaxda dalkiisa ku eedeyay in Talyaaniga uu gabay doorkiisii Soomaaliya siyaasad ahaana looga guuleystay Soomaaliya oo Turkiga kaga awood batay.

 

Hadalka Wasiirka ayaa ka dhignaa baraarujin uu Talyaaniga ku baraarujinaya in lasoo celiyo kaalintiisii siyaasadda Soomaaliya.

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.