Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo ka dhacay xalay diyaarado dagaal ay ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka gedo ee koonfurta soomaliya
Diyaaradaan ayaa waxa la sheegay In tira ahaan ay gaarayeen ila iyo laba diyaaradood oo nuuca dagaalka ah
Wararka naga soo gaaraya gobolka gedo ayaa sheegaya in diyaaradahaan ay ahayeen kuwa laga leeyahay dalka Kenya mase jirto cadeyn rasmi ah iyo sheegasho dhanka dowlada Kenya ah
Deegaanada xalay waxa ka mid ah garsaale , samaroore iyo qeybo ka mid ah duleedka degmada ceel waaq ee gobolka gedo
Wali si rasmi ah looma xaqiijin qasaaraha ka dhashay duqeymahaan balse dad goob joogayaal ah ayaa idaacada wardeeq uxaqiijiiyay in duqeynmahaan lala beegsaday dhulmiyi ah oo ay ku noolyihiin dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah
Dowladda federaalka soomaaliya wali wax war ah kama soo saarin diyaaradahaan xalay duqeynta culus ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka gedo
Saacadiihii lasoo dhaafay ayaa waxa si aad ah loo hadal hayay dowladda Kenya oo abaabul ciidan ka wada xukuudka soomaaliya ay la wadaagto kadib markii ay maxkamada icj kun dhawaaqday in ay shaacin doonto natiijada kiiska badda
Waxaana la tilmaaamay in Kenya ay wado talaaboyin ay ku diidayso ku dhawaaqista natiijadaasi