Garaad Jaamac oo Hadal Gilgilay Tuuray, Ugaasyo Jawaab Lama Filaan ah Bixiyay

Garaad Jaamac oo Hadal Gilgilay Tuuray, Ugaasyo Jawaab Lama Filaan ah Bixiyay

Madal uu ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay waxaa ka soo baxay aragtiyo kala duwan oo ku saabsan doorka ay Isimadu ku leeyihiin siyaasadda dalka, kaddib hadal uu jeediyay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

 

Garaadka ayaa sheegay in laga doonayo Isimada dhaqanka inay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda, isla markaana ay xoogga saaraan sidii ay dowladda Federaalka ugala shaqeyn lahaayeen horumarinta dalka. Hadalkiisa ayaa loo arkayay mid garab siinaya mowqifka madaxweynaha, xilli ay jireen talooyin hore oo Isimo kale u jeediyeen hoggaanka dalka.

 

Isimo ka hor hadlay madasha, oo uu ku jiro Imaam Daahir Imaam, ayaa Madaxweynaha u soo jeediyay talooyin iyo naseexooyin ku aaddan in talada dalka la simo, islamarkaana laga fogaado in cid gaar ah loo xiro hoggaanka, iyagoo ku baaqay in laga heshiiyo hanaanka doorashooyinka.

 

Si kastaba, hadalka Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa si degdeg ah falcelin kaga helay mid kamid ah Ugaasyadii goobta joogay, kaas oo si cad u diiday in Isimada lagu eedeeyo ka fogaanshaha siyaasadda. Ugaaskaas ayaa sheegay in Isimadu ay door muhiim ah ku leeyihiin talada dalka iyo dowlad-dhiska, isla markaana aysan jirin sabab ay uga harayaan arrimaha siyaasadda.

 

Wuxuu sidoo kale xusay in isaga qudhiisu uu dhawaan kala shaqeynayay dowladda Federaalka arrimo siyaasadeed, taasoo muujineysa in Isimada iyo siyaasadda aysan kala maarmin.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights