Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Bilaabay Baaritaan ku Saabsan Eedeymo La Xiriira in Hawada Dalka Loo Adeegsaday Baxsashada Hoggaamiyaha STC.”

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay bilowday baaritaan degdeg ah kaddib warar soo baxay oo tilmaamaya in hawada sare iyo garoomada diyaaradaha ee Soomaaliya loo adeegsaday baxsashada hoggaamiyihii Koofurta Yemen Ceydaruus Al-Zubaidi, islamarkaana uu u gudbay Imaaraadka Carabta.

Hay’addu waxay caddeysay in baaritaankan lagu xaqiijinayo saxnaanta wararkaasi iyo in la ogaado in ay jireen wax xadgudub ah oo ka dhan ah shuruucda dalka, habraacyada socdaalka iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

 

Waxay intaas ku dartay in haddii eedeymaha la xaqiijiyo, arrintaasi ay noqon doonto xadgudub culus oo ka dhan ah sharciga iyo madax-bannaanida dalka, isla markaana tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata.

 

Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa waxay si cad uga digtay isku day kasta oo ka hor imaanaya heshiisyada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah, gaar ahaan arrimaha Yemen, waxayna sheegtay in si joogto ah u taageertay baaqa Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan wadahadalka siyaasadeed ee ku saabsan xaaladda Yemen.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta sharciga, madaxbannaanida dalka iyo ku dhaqanka xeerarka qaran iyo kuwa caalami ah.

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.