Dowladda Mareeykanka Oo Xubno Katirsan Al-Shabaab Ku Dartay Liiska Argagixisadda

0
120

Waaxda Arrimaha Dibedda Dowlada maraykanka ayaa Jimcihii shaacisay in liiska  Argagixisadda Caalamiga ah ku dartay laba ka mid ah hoggaanka Al-shabaab,dowlada maraykanka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in laga hor istaago wax kasta oo lahaansho ah ee ay haystaan kooxdani si loo xakameeyo ficiladooda Argagixisanimo.

Labadda xubnood ayaa kala ah Cali Maxamed Raage” Cali dheere” Afayeenka Dagaalamasha ee Al-shabaab iyo Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir “Ikrima” oo isaguna ah  fududeeyaha iyo qorsheeyaha howlgallada.

Xoghayaha arrimaha dibedda maraykanka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in cunno qabatayn caalami ah la saari doono cidkasta oo la macaamisha Al-shabaab.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here