Dowladda Oo Sheegtay in ay Gacanta Ku Dhigeen Xubno Katirsan Al-Shabaab

0
129
Ciidamadda ammaanka gaar ahaan Ciidanka Duufaan ee NISA ayaa howlgalo qorshaysn xalay ka fuliyay Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Warkasoo baxay Warbaahinta Dowladda ayaa waxa lagu sheegay in howlgalkaan lagu soo qabqabtay xubno Katirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Dowladda ayaa sheegtay in ay qabteen ilaa iyo sadax dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab
Ragaan ay gacanta ku dhigeen Ciidamada ayaa waxa ay Dowladdu sheegtay in Al-Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada iyo Miinooyinka,
Waxaana ay sheegeen in ay Ragani qorsheynayeen in qaraxyo ah ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho.
Howlgaladaan ay Ciidamada Dowladda ka Sameeyeen Degmada Afgooye aya kusoo aadaya xili saacado ka hor Ciidamada qarax lagula Beegsaday xaafada Xaawo Taako ee Degmadaasi Afgooye

Maalmihii Ugu Dambeeyay ayaa waxa Magaalada Muqdisho Kusoo Badanayay Qaraxayada

Waxaana hal maalin Gudeheed todobaadkii lasoo Dhaafay Muqdisho ka dhacay laba qarax

Si gaar ah waxa haatan loo xasuusta qaraxii habeen ka hor ka dhacay Muqdisho kaasi oo lagu dilay wariye Cabdicasiis Afrika oo in muddo ah  Dowladda u shaqeynayay

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here