Warar lagu kalsoonaan karon ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Ahmed Abdi Kaariye Qoor Qoor iyo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo Dhawaan Loo Magacaabay la-taliyaha amniga qaranka ay bilaabeen in ay dib usoo nooleeyaan Wada hadaladii iyo dadaaladii lagu xalinayay khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Dhaawan Istaagay
Labada masuul iyo xubno Wasiiro ah oo udhaw madaxweyne farmaajo ayaa xalay Kulan ku yeeshay Magaalada muqdisho ee caasimada dalka
Waxaana wararku ay sheegayaan in kulankaan diirada lagu saaray fashilka kuyimid wadahadaladii u dhexeyay madaxweyne farmaajo iyo Raiisul wasaare rooble iyo Qaabka ugu fudud ee lagu xalin karo khilaafka jira
Fahad yaasiin ayaa waxa la aaminsayahay in uu yahay shaqsi ku wanaagsan in si hoos khilaafaadka siyaasadeed loo xalinyo haatana uu go,aansaday in uu wax ka xaliyo khilaafka sii xoogeysanaya ee madaxda dalka iyadoona la sheegay in fahad uu hada diyaar yahay in qeybtiisa uu ka qaado dadaalada laiskugu soo dhaweynayo Raiisul wasaaraha iyo Madaxweynaha
Dhankale madaxweyne qoor qoor oo kal hore kusoo hungoobay xali u helida khilaafkaan ayaa u muuqda mid wali aan quusan oo sameenaya isku dayo kala oo uu xal ugu raadinayo khilaafka madaxda ugu sareysa dalka ka dhextaagan
Wada hadaladaan horay usocod siintooda waxa kusoo fashilmay masuuliyiin ay ka mid madaxweynaha koonfur galbeed ,Goddoomiyaha golaha shacabka iyo Madaxweyne Qoor Qoor
Waxaana haatan mar kale la wadaa dadaalo kala oo dib loogu soo celinayo xalinta khiaakaan oo waxyaabaha xalka loo waayay ay ka mid tahay
Magacaabis ay sameeyeen madaxweyne farmaajo iyo Raiisul wasaare rooble