Fanaaniinta Koonfur Galbeed oo wajahay culays dhaqaale kadib go’aankii dowladda

Warar rasmi ah oo soo baxaya ayaa muujinaya in fanaaniin ka tirsan Kooxda Koonfur Galbeed, kuwaas oo horey ugu biiray Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ay la kulmayaan xaalad adag oo isugu jirta cadaadis dhaqaale iyo mid amni.
Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in lacagihii ay fanaaniintan ka qaadan jireen Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) la jaray, taasoo si weyn u saameysay noloshooda maalinlaha ah. Fanaaniintan ayaa inta badan ku tiirsanaa lacag dhan $200 oo ay bishii heli jireen, taasoo ahayd isha ugu weyn ee dakhligooda.
Mid kamid ah fanaaniinta ugu caansan kooxda, Guuleed Rasta, ayaa la sheegay in lagu xiray magaalada Baydhabo kadib markii uu cabasho toos ah u gudbiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jen. Haamud. Lama oga xaaladda caafimaad iyo sharci ee uu haatan ku sugan yahay.
Sida ay sheegayaan wararka, fanaaniintan ayaa lagu amray in ay qayb ka noqdaan howlaha waardiyaha ee ciidamada, balse ay si cad u diideen arrintaas, iyagoo ku dooday in heshiiskii ay ku biireen ciidanka uusan ku jirin in loo adeegsado shaqooyin amni oo noocaas ah.
Qaar kamid ah fanaaniinta oo la xiriirnay ayaa sheegay in xaaladdu ay gaartay heer halis ah, maadaama aysan haysan dakhli joogto ah isla markaana ay dareemayaan cabsi la xiriirta amnigooda, gaar ahaan kadib xarigga saaxiibkood.
