Garoowe oo martigelinaysa Shirka Guddiga Farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Magaalada Garoowe ayaa martigelinaysa Shirka Guddiga Farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, shir diiradda lagu saarayo xoojinta wada-tashiga farsamo, qorsheynta istaraatiijiyadeed, iyo dejinta talooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo mustaqbalka dalka. Shirka waxa ka qaybgalaya khubaro, mas’uuliyiin, iyo wakiillo ka kala socda hay’adaha ay khusayso, kuwaas oo ka doodi doona arrimo ay ka mid yihiin horumarinta hay’adaha, maamulka wanaagsan, iyo fursadaha iskaashi ee heer qaran.

 

Martigelinta Garoowe ayaa muujinaysa kaalinta ay ku leedahay gogol-xaaridda wada-hadal wax dhisaya iyo isku xirka daneeyayaasha si loo helo aragti mideysan oo ku wajahan horumarka Soomaaliya.

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.