General Indhacadde “Xaaladda Somaliya meel adag bay mareysaa, mana ahan wax hadda bilowday”

0
277

General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka tirsanaa Saraakiisha Militariga Somaliya ayaa sheegay in dalku uu marayo xaalad adag, mana ahan buu yiri wax hadda bilowday.

“Runtii xaaladda Somaliya meel adag bay mareysaa, mana ahan wax hadda bilowday, afartii sano ee la soo dhaafay waa soo socotay.” Ayuu yiri General Yuusuf Maxamed Siyaad.

Isagoo la hadlayay KNN ayuu yiri “Waxaad ogtihiin weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaad ogtihiin weerarkii Cabdi Qaybdiid, waxaad ogtihiin weerarkii Haanta-dheer, waxaad ogtihiin weerarkii Bariire, waxaad ogtihiin weerarkii Madaxweyne-yaashii hore iyo kuwo kaloo badan oo ugu dambeeyo kii General Saadaq Joon lagu weerarayay. Marka dadkan Xamar degan ayaa dad dowlad jecel ah maahee ee dalku mar horuu meel khaldan maray xukunkiisu iyo maamulkiisu, uuna galay gacan shisheeye.”

General Indhacadde ayaa Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi ku eedeeyay inuu Madaxweyne Farmaajo u qaabilsan yahay fulinta hawlgalada, isla-markaana uu hoggaaminayay sida uu sheegay weerar hal habeen ka hor lagu qaaday General Saadaq Joon. General Indhacadde ayaa sheegay in General Biixi uu yahay Taliyaha qarsoon ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in General Biixi, Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Nabad Suggida, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ay burbur ku wadaan dalka, sida uu yiri.

“Hay’adaha Dastuuriga ah, sida Baarlamaanka, Golaha Fulinta iyo Madaxweynaha intaba cid sharciyad haysato ma jirto, waxay ku fadhiyaan sharci-darro iyo afgembi, waxay ku fadhiyaan dulmi iyo hantidii umaddaan oo ay boobaan oo canshuur ku sheegaan, waxay ku fadhiyaan wax ka baxsan maamulka iyo xitaa bani’aadanimada.” Ayuu yiri General Indhacadde.

Waxa kaloo uu yiri “Shacabka reer Muqdisho waxaan leeyahay naftiina, maalkiina iyo cirdigiina difaacda. Maanta ninka meeshaan joogga waqtigiisa waa dhammaaday, afar sano ayuu ku ekaa, wuu diiday doorasho iyo nidaamkii uu ku yimid.”

General Indhacadde ayaa tilmaamay in dagaalku uu sharaf yahay, mar haddaad weydo sida uu sheegay nabad, amni, maamul iyo ixtiraam.

“Dagaalku waa sharaf, haddaad wax kale weydo dagaalku waa sharaf, haddaad nabad, amni, maamul iyo ixtiraam weydo dagaalku waa sharaf. Dagaalka hadda la gelaayo sharaf waaye.” Ayuu yiri Indhacadde.

Hadalka General Indhacadde ayaa imaanaya, xilli Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladda lagu eedeeyay inay siyaasadda ku dhex milmeen.

Xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee muddooyinkii ugu dambeysay dalka ka jirtay ayaa waxaa sii culeysay muddo kordhinta loo sameeyay Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here