Golaha Mustaqbalka Somalia oo shuruudo ku xiray shirka Muqdisho.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay marxaladda siyaasadeed ee dalka iyo gogoshii wada-xaajoodka ee uu ay dhawaan u fidisay xukuumadda federalka ah ee Somalia.

 

Qoraal ka soo baxay golaha Mustaqbalka Somalia ayaa shuruudo loogu xiray ka qaybgalka shirka oo ay soo jeedintiisu ka timid shirkii ka qabsoomay Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka u ah Jubbaland.

 

Golaha ayaa ugu horrayn dalbaday in Villa Somalia joojiso waxka beddelka nuqulo kamid ah dastuurka kumeel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Somalia.

 

Waxaa kale oo goluhu soo jeediyeen in ajandaha shirku noqdo mid diiradda saaraya arrimaha ammaanka iyo doorashooyinka guud ee dalka loo qorsheeyey 2026.

 

 

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.