Xubnaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa qabtay dacwad uu u soo gudbiyay Xuseen Carab Ciise oo cabasho ka ah kursiga HOP239 oo uu horsy ugu fadhiyay balse doorasho ka dhacday Muqdisho uu kusoo baxay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed.
Guddoomiye kuxigeenka Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay inay bilaabeen baarista kursigaas dacwadda looga soo gudbiyay.
Mudane Barre oo Wareysi siiyay wardeeqnews ayaa sheegay in muddo todobaad ah ay kusoo bandhigi doonaan natiijada baarista dacwadda kursigaas.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa maalin ka hor tartan adag, iyada oo aan lala gelin ku guuleystay kursiga HOP239, taas oo hadal heyn badan dhalisay