Guddoonka Golaha Shacabka ayaa goor dambe oo xalay ahayd iclaamiyay kulan aan caadi ahayn, oo Sabtida ay Xildhibaanada ku yeelan doonaan Magaalada Muqdisho.
Ka dib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xalay sheegay in uu Sabtida hortaggi doono Xildhibaanada Golaha Shacabka, si uu ugu sheego in dib loogu laabanayo heshiiskii 17-kii September, lagana tanaasulay labadii sano ee muddo kordhinta ayuu Guddoonka Golaha Shacabka soo saaray warqad uu kulankaasi ku iclaaminayo, uguna yeerayo Xildhibaanada, si ay u soo xaadiraan.
Qoraalka warqadda ku xusan ayaa u qornaa “Si waafaqsan Qodobka 90aad ee faqrada (i) ee Dastuurka Federaalka JFS, waxaa loogu yeerayaa dhammaan Xildhibaanada sharafta leh fadhi aan caadi ahayn, oo Madaxweynaha JFS kula hadlayo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya.”
“Xildhibaanada dalka dibadiisa ku sugan iyo kuwa jira Gobolada Dalka waxaa la farayaa in ay si degdeg ah u soo galaan Caasimadda Muqdisho, si ay u soo xaadiraan fadhigan aan caadiga ahayn maalinta Sabtida, ee ay taariikhdu tahay 1-da bisha May 2021, maadaama ay jiraan xaalado adag oo u baahan in dalka laga samatabixiyo.”