Laamaha ammaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeele ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howgallo ballaaran ka sameyeen Xaafadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Howgalka oo ahaa mid qorsheysan sidoo kalena ay ka qayb qaateen qaybaha kala duwan ee Ciidanka ammaanka oo ka koobnaa Nabad Sugid iyo Boolis ayaa waxaa u jeedka howlgalku ahaa sugidda ammaanka iyo baadi goobka kooxo ka ganacsada Maandooriyaha.
Intii uu Howgalku socday ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay Maandooriye la diyaariyay oo sida la sheegay la doonayay in Muqdisho loo soo daabulo, si dhuumaalaysi ahna lagu soo galiyo.