Hogaamiyihii, STC ee Yemen al-Zbayidi wuxuu u cararay meel aan la garanayn, ayuu yidhi Isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo

Isbaheysiga Sacuudiga uu hogaamiyo ee Yemen ayaa Arbacadii sheegay in hogaamiyaha golaha ku meel gaarka ah ee koonfurta (STC) Aidrous al-Zbayidi uu u baxsaday meel aan la garaneyn, ka dib markii uu ku guuldareystay inuu u safro Sacuudiga wadahadalo la doonayo in lagu qaboojiyo rabshadaha dhawaanahan ka socday Yemen.
Afhayeenka Isbaheysiga Major General Turki al-Maliki ayaa sheegay in taliska isbaheysiga uu 4-tii Janaayo ku amray al-Zubaidi inuu u safro Boqortooyada 48 saacadood gudahood si uu ula kulmo madaxa Golaha Hoggaanka Madaxweynaha Rashad al-Alimi iyo hoggaamiyeyaasha isbaheysiga, si ay ugala hadlaan sababaha kor u kaca iyo weerarada ay fuliyeen ciidamada xiriirka la leh STC ee Hadramout iyo al-Mahra.
Dhammaan wararka ugu dambeeyay kala soco kanaalkayaga Wararka Google onlayn ama abka.
Sida lagu sheegay bayaanka, madaxtooyadda STC waxay ku dhawaaqday 5-tii Janaayo taageerada dib u cusboonaysiinta dadaallada uu Sacuudigu hoggaaminayo ee lagu diyaarinayo shirweyne ballaaran oo koonfurta ah waxayna ballan-qaadday inay ka qayb-qaadan doonto. Al-Zbayidi ayaa markii dambe ku wargeliyay mas’uuliyiinta Sacuudiga inuu doonayo inuu ka soo qeyb galo 6-da Janaayo, wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan garoonka diyaaradaha.
Isbaheysiga ayaa sheegay in diyaaradii Yemen Airways ee siday wafdiga ay dib u dhacday in ka badan saddex saacadood. Muddadaas, waxaa soo baxay xog tilmaamaysa in al-Zubaidi uu amray in la guuro ciidamo badan oo isugu jira gawaarida gaashaaman, baabuurta dagaalka, hubka cul culus iyo kuwa fudud, laga soo bilaabo xerooyinka Xadiid iyo Al-sulbaan ee ku wajahan al-Dhalee saqdii dhexe ee xalay.
Duulimaadka ayaa markii dambe baxay isagoo siday tiro ka mid ah madaxda sare ee STC, balse waxaa ka maqan al-Zubaidi, oo isbahaysigu ay sheegeen inuu u baxsaday meel aan la garanayn, taasoo keentay in madaxda STC aan war laga hayn halka uu ku sugan yahay.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Al-Zubaidi uu hub iyo saanad ciidan u qeybiyay tobanaan ka mid ah dagaalyahannada ku sugan gudaha magaalada Cadan, kuwaasi oo ay kala hogaaminayaan Muumin Al-Saqqaf iyo Mukhtaar Al-Nuubi, iyadoo ujeedkuna uu yahay in saacadaha soo socda uu qalalaaso ka abuuro magaalada.
Isbahaysigu waxa uu sheegay in ay la shaqaynayeen Ciidamada Difaaca Dalka, waxana ay ka codsadeen in Madaxweyne ku xigeenka Golaha Hoggaanka Madaxweyne Abdulrahman al-Muharrami (Abu Zaraa) uu soo rogo tallaabooyin ammaan ah magaalada Cadan si looga hortago isku dhacyada iyo ilaalinta rayidka iyo hantida.
