Dowladda Faderaalka ah ayaa faahfaahin ka bixisay howlgalo balaaran oo sacaadiihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha hoose
warkasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidamada xoogga dalka ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha shabeellaha hoose, islamarkaasna ay halkaasi oo ku bur buriyeen fariimo dagaalamayaasha Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi.
Deegaanada ay ciidamada howlgallada ka fuliyeen waxaa ka mid ah Gambaarey, Dawacaale iyo Geediyaan oo ka wada tirsan gobolka Sh/hoose.
Sidoo kale, ciidamada xoogga dalka saraakiisha hogaaminaysay ayaa sheegay in ay ka baxsadeen xubno ka tirsan al-shabaab islamarkaasna ujeedka howlgalku uu ahaa mid iyaga ka dhan ah.
Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlgalada nuucaan ah oo lagu xaqiijinayo amniga sii wadi doonan in amniga lagu sugayo.
howlgalada ciidamada dowladda ay ka fulieen gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay kusoo aadeyaan xili xubno ka tirsan al-shabaab ay weeraro ka fulieen degmada marka ee gobolka shabeelaha hoose