Howlgal ka socda Beledweyne kadib weerar ka dhacay

0
71

Ciidamada Ammaanka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa saaka waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadaan Xaafada Buundaweyn, halkaas oo xalay weerar bambaano uu ka dhacay.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii weerar bambaano oo hal qof uu ku dhaawacmay lagu qaaday Bar-koontorool oo Canshuur lagu qaado taas oo ku taal Xaafada Buundaweyn ee Magaalada Beledweyne.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Ammaanka ay saaka wadaan howlgal gur guri ah iyo mid ay ku baarayaan Gaadiidka kala duwan ee maraya wadooyinka meelo kamid ah Magaalada Beledweyne.

Saraakiil dhinaca Ammaanka ah ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in howlgalka lagu qabqabtay dad looga shakisan yahay inay falal amni darro ka geystaan Magaalada Beledweyne, kuwaas oo saraakiishu ay sheegeen inay baaritaano ku hayaan.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo kamid ah goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro bambaano iyo dilal qorsheysan.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here