Isimmada Dhaqanka oo Lagu Casuumay Shir uu Hoggaaminayo Hassan Sheikh Mohamud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa kulan muhiim ah ugu yeeray isimmada dhaqanka Soomaaliyeed, kaas oo diiradda lagu saarayo xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo hannaanka doorashooyinka la filayo.
Kulankan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan doodaha la xiriira nooca doorasho ee dalka ka dhici karta, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay aragtiyo kala duwan ka qabaan mustaqbalka geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.
Wararka laga helayo ilo ku dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu isimmada kala hadli doono sidii ay door muuqda uga qaadan lahaayeen dejinta xiisadaha siyaasadeed, isla markaana ay gacan uga geysan lahaayeen xal u helidda khilaafaadka u dhexeeya dowladda iyo mucaaridka.
Dhinaca kale, mucaaridka ayaa maalmo ka hor ugu baaqay isimmada dhaqanka in ay dhexgalaan xaaladda kala-guurka ah ee dalka, isla markaana ay fududeeyaan wadahadal u dhexeeya mucaarid iyo muxaafid si looga gudbo is-mari-waaga jira.
Inkastoo dowladda Federaalka ay weli ku adkeysaneyso hirgelinta doorashada qof iyo cod, haddana waxaa jira soo jeedimo kale oo ay wadaan mucaaridka iyo qaar ka mid ah bulshada rayidka, kuwaas oo ay ka mid tahay in dib loogu laabto nidaamka xulista ee odayaasha dhaqanka.
