Sacid Abdullahi Deni oo Badhan Tagay Xilli Xiisad Siyaasadeed Laga Dareemayo

Sacid Abdullahi Deni oo Badhan Tagay Xilli Xiisad Siyaasadeed Laga Dareemayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta gaaray magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, oo loo aqoonsan yahay caasimadda labaad ee Puntland, halkaas oo si diirran ay ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii la soo dhaafay magaalada ay ka jireen bannaanbaxyo ay dhigayaan qaar ka mid ah shacabka, kuwaas oo ka soo horjeeday imaanshihiisa. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn tegay Badhan, iyadoo ammaanka magaalada si weyn loo adkeeyay.

 

Inta uu ku sugan yahay Badhan, Madaxweyne Deni ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, dhalinyarada iyo haweenka, si uu uga dhageysto xaaladda guud ee gobolka Sanaag iyo baahiyaha bulshada.

 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa qorsheynaya inuu xarigga ka jaro mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay magaalada iyo deegaannada ku dhow, kuwaas oo la sheegay inay door muhiim ah ka qaadan doonaan kobcinta adeegyada bulshada iyo dhaqaalaha deegaanka.

 

Dhanka kale, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furo tababar loo diyaariyay cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo awoodda ciidanka.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights