Jorge Messi oo u duulaya Spain si loo dhammeeyo wada xaajoodka heshiis kordhinta Lionel Messi ee Barcelona

0
192

Tan iyo markii xilka madaxweynaha Barcelona loo doortay Joan Laporta waxaa isa soo taraya wararka la xiriira dadaallada uu Laporta ugu jiro inuu Lionel Messi ka saxiixo heshiis cusub oo uu kula sii joogi doono Barca.

Aabbaha dhalay kabtanka Barcelona ee Jorge Messi ayaa lagu wadaa in maalinta Isniinta ah ee soo aaddan uu u duuli doono dalka Spain si uu qandaraas kordhin ugala xaajoodo Madaxweyne Laporta.

Qoraaga majaladda TNT Sports ee Maximiliano Grillo ayaa sheegay in Jorge oo ah aabbaha dhalay Messi ahna wakiilka xiddigan uu Isniinta la kulmi doono Laporta, xilli maamulka Barca oo uu ugu horreeyo madaxweynaha kooxda ay rajo wanaagsan ka qabaan in Leo iyo Aabbihii Jorge aqbali karaan dalabka ay u diyaariyeen.

Mustaqbalka Lionel Messi ee Barcelona ayaa wali u muuqda mid aan caddeyn tan iyo markii uu xagaagii lasoo dhaafay caddeeyay rabitaankiisa ku aaddan inuu isaga tago Camp Nou.

Hase ahaatee, tan iyo markii uu is-casilay madaxweynihii hore ee Josep Maria Bartomeu isla markaasna uu xilkan dhowaan la wareegay Laporta, waxaa soo iftiintay rajada ay kooxdan ka leedahay in Messi ay ku qanciso inuu baaqi kusii ahaado Blaugrana.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here