Taliska Hay’adda Nabadaugida iyo Sirdoonka ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kusoo bandhigay Saddex Xubnood oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab balse isku soo dhiibay Ciidamada.
Saddexda Xubnood oo dhalinyaro ah ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahim Aadan, Cabdiraxmaan Xuseen Sheekh Maxamuud & Ugaas Xuseen Nuur, waxaana mid kamid ah uu watay Qoray nooca AK47 iyo Booshkiisa, waxaana Saddexdooda ay ka qeyb qaateen weeraro ka dhacay Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.
Saddexda Xubnood ee ka tirsanaa Al-Shabaab ee isku soo dhiibay Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegeen in sababta ay uga soo baxeen Al-Shabaab ay tahay cunaqabateynta ay ku hayaan Shacabka ku nool qaar kamid ah degaannada Koonfur Galbeed, iyaga oo ugu baaqay Xubnaha kale ee ku harsan inay isaga soo baxaan.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa kordhay tirada xubnaha isu soo dhiibaya Dowladda Soomaliya ee ka tirsan Al-Shabaab, waxaana todobaadkaan kaliya degaannada Koonfur Galbeed iska soo dhiibay ilaa 5 Xubnood oo katirsanaa Al-Shabaab.