222222222222 696x392 1 - Wardeeq news

Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhimatay dhul g’ iyo derbiyo dumay, kuwaa oo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da;ay Mumbai oo iyada  ah magaalada ugu dadka badan Dalka India.

14 qof ayaa ku dhintay agagaarka xeebta Mahul ,markii dhul go’ uu sababay darbiyo ku dumay guryo dhowr ahaa.

Ciidanka ka hortagga Musiibooyinka Qaranka ee Hindiya (NDRF) ayaa sheegay in ay soo bad baadiyeen dad dad badan, iyada oo samatabbixiyeyaashu ay sii wadaan baaritaanka burburka.

Dhanka kale, ugu yaraan lix qof ayaa dhintay, markii ay dumeen guryo kuyaal xaafadda Vikhroli ee waqooyi bari dalkaasi.

Mumbai iyo hareeraheeda, oo ay ku nool yihiin ilaa 20 milyan oo qof, ayaa waxaa ka da’aya roobab mahiigaan ah illaa Sabtidii.

Waaxda Saadaasha Hawada ee Hindiya ayaa goor sii horreysay manta sheegtay in “roob dhex dhexaad ama roobab onkod leh” la saadaaliyay 5-ta maalmood ee soo socota.

Maamulka ayaa ka warbixiyay 11 dhacdo oo guryo ama darbiyo ku dumay aaga Mumbai, sida ay saraakiil u sheegeen wakaalada wararka ee Reuters.

Raiisel wasaare Narendra Modi ayaa manta bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuu “ka murugooday dhimashada dadka” isaga oo dhanka kale u balan qaaday magdhow lacageed qoysaska dhibanayaasha.

Labadii dhacdo ee ugu dambeeyay ee roobabka ama dhul go’a ka shay  ayaa waxa ay  dhaceen Bishii Juun, oo 12 qof ahayd iyo Bishii Sebtembar oo  39 qof ayna ahayd, kadib markii dhisme saddex dabaq ahaa uu ku dumay Bhiwandi oo u dhow Mumbai.

Verified by MonsterInsights