Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Koonfur Galbeed

Baydhabo: Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Ibraahim Maxamed, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlayay Horumarinta Qorshaha Istaraatiijiga ee Arrimaha Naafada (2026–2028) ee Dowladda Koonfur Galbeed.

 

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socday Ururka Naafada Koonfur Galbeed, kuwaas oo matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada naafada ah, iyagoo soo jeediyey aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu tayeynayo qorshaha.

 

Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa wada dadaallo joogto ah oo ku aaddan xoojinta ilaalinta xuquuqda naafada, horumarinta ka qeybgalka bulshada, iyo abuurista fursado u siman dhammaan muwaadiniinta, si loo xaqiijiyo nolol ka wanaagsan iyo ka-qaybgal buuxa oo ay yeeshaan dadka naafada ah.

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.