1619039950eb161 - Wardeeq news

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Koonfur Galbeed, oo looga hadlay hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

War ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa shir guddoomiyay shirka Golaha Amniga Dowlad Doboleedka Koonfur Galbeed, oo todobaadkan ay ka qaybgaleen Taliyaha Qaybta 3aad Ciidanka AMISOM, Saraakiil ka socday Dowlada Ingiriiska iyo qaybaha kala duwan Saraakiisha laamaha amniga Koonfur Galbeed.

Shirka oo ahaa mid saacado qaatay ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xaaladaha amaan ee deegaanada koonfur galbeed iyo sidii loo bilaabi lahaa hawlgalo lagu ciribtiraayo dhagarqabeyaasha argagixisada Al Shabaab ee ku dhuumaleysta qaybo kamid ah deegaanada Koonfur Galbeed iyo sidii loo kordhin lahaa hawlgalada lagaga hortago qaraxyada iyo dhagarta kale argagixisada ay ku doonayaan inay ku dhibaateyaan shacabka ku nool Gobolada Baay, Bakool iyo Shabellaha Hoose. Qaar ka mid ah Saraakiisha laamaha amniga ayaa laga dhageystay warbixin ku saabsan amniga iyo hawlgalada ay fuliyaan ciidanka, waxaana ay sheegeen in ciidanka ay sii laba jibaareen hawlgalkooda inta lagu gudajiro bishan barakeysan ee Ramadan.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Saraakiisha laamaha amniga, waxaana uu tilmaamay sida ay shacabka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ugu kalsoon yihiin kartida iyo awoodda geesiyaasha Soomaaliyeed ee qaybaha kala duwan ciidanka, isaga oo ku bogaadiyey sida ay naftooda ugu hurayaan difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa uu Madaxweynuhu dhiirigeliyey saaxibada Somaliya dadaalka naf-hurnimada leh ee ay ku bixiyeen nabadeynta iyo horumarada Dowlad Goboleedka KG ku tilaabsatay, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xiriirka iyo wada shaqaynta labada ciidan iyo shacabka.”

May be an image of one or more people, people standing, people sitting and indoor

May be an image of 1 person, standing and indoor

May be an image of 1 person and military uniform

May be an image of 1 person, military uniform and outdoors

May be an image of 1 person, standing and military uniform

May be an image of one or more people and people sitting

May be an image of one or more people and people standing

May be an image of 1 person

May be an image of one or more people and people standingMay be an image of 1 person, standing, military uniform and indoor

May be an image of 1 person, standing and military uniform

May be an image of 1 person, sitting and standing

May be an image of 1 person, sitting and suit

Verified by MonsterInsights