Laftagareen oo kormeer ku tagay Xarunta Dhalinyarada Baydhabo

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa booqday Xarunta Dhalinyarada Magaalada Baydhabo halkaas oo uu waqti kula qaatay, qaar ka mid ah Dhalinyarada ku nool Magaalada Baydhabo.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Madaxweynaha ayaa waqti la qaatay qaar ka mid ah dhalinyarada ku nool magaalada Baydhabo, isaga oo dhageystay aragtidooda, talooyinkooda iyo caqabadaha haysta. Madaxweynaha ayaa dhalinyarada ku dhiirrigeliyay doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska deegaannada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa sido kale dhallinyarada uu la kulmay kala qayb qaatay ciyaaraha kala duwan ee ay ku madadaalaan, isaga oo ku bogaadiyay doorka wanaagsan ee ay ka qaataan ilaalinta nabadgalyada, is dhex galka bulshada, dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.