Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa sheegay in abaartii ugu darneyd ay xilligaan ka jirto degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-Shabeelle, taas oo saameyn ku yeelatatay dadka iyo Duunyada.
Waxaa uu sheegay in abaarta hadii aan la helin dowlad ka jawaabta ay dhici karto musiibo bani’aadannimo, wuxuuna sheegay in dadka Reer hiiraan ay wajahayaan caqabdo kaga imaanayo Al-Shabaab & Abaarta.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in xaalad aad u adag ay heystaan dadka Reer Hiiraan arrintaasi ay kala hadleen Hay’adaha ka howlgalla Gobolka Hiiraan, dhawaana ayt rajeeynayaan inay gurmad sameeyaan.
Ugu dambeyn Guddoomiye Jeyte ayaa waxaa uu ugu baaqay Madaxda dowladda Soomaaliya & kuwa Maamulka Hir-Shabeelle inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ay abaarta ku saameeysay Goboilka Hiiraan.
Ka sokoow abaarta kajirta Gobolka Hiiraan ayaa silamid ah waxaa abaar daran ay kajirtaa degmooyin iyo degaano kuyaal Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyada oo dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay u gurmashada dadka ay saameeysay abaarta