Maamulka- Puntland oo beenisay in maxaabiis Daacish ah ka baxsadeen xabsiga Boosaaso.

Taliska guud ee ciidanka Asluubta dowladda Puntland ayaa beeniyey wararka lagu faafiyey baraha bulshada ee sheegaya in rag katirsan Daacish ay ka baxsadeen qaar kamid ah xabsiyada Puntland.

 

Taliyey ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Puntland Gen. Cabdiqaadir Axmed Khayr oo warbaahinta kula hadlay gudaha xabsiga dhexe ee gobolka Karkaar (Qardho) ayaa sheegay in ay waxba kama jiraan aan sal iyo raad la hayn yihiin warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in maxaabiis Daacish ah ka baxsatay xabsiga magaalada Boosaaso.

 

Waxa uu intaas ku daray Xabsiga magaalada Boosaaso la keenay maxaabiis cusub oo ajaaniib ah oo laga qabtay kooxda Daacish kadib markii firxadkooda laga soo ururiyey buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.