Maamulka Puntland oo ka hadashay shaqaalaha Imaaraadka ee ka baxay Boosaaso.

Madaxtootada Puntland ayaa markii ugu horreysey ka hadashay shaqaalaha ajaaniibta ah ee ka baxay saldhigga Imaaraadka Carabta ku lee yahay Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Afhayeenka dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani) ayaa sheegay in shaqaalaha ajaanibta ah ee ka baxay xerada PMPF ee Boosaaso ay u bexeen fasoxoodii caadiga ahaa ee bilowga sanadka kuna soo laaban doonaan shaqadooda.
“Waa shaqaale fasaxooda sanadka u baxay, waana arrin caadi ah oo si joogto ah u dhacda, waxba kama jiraan waana been abuur iyo dacaayad wararka baraha bulshada looga faafinayo saldhiga PMPF”, Ayuu yiri afhayeenka Madaxtooyada Puntland.
Saraakiil katirsan ciidamada PMPF ee ku sugan Boosaaso ayaa wardeeq news u sheegay in hawlwadeenada caawiya ciidanka Puntland ee ku sugan Boosaaso ay lee yihiin fasax caadi ah iyo iskubeddel marka la gaaro bilowga sanad walba.
Dhawaan ayey ahayd markii xukuumadda federalka ah ee Somalia oo helaysa amar madaxtooyo ay ka laabatay heshiisyadii Imaaraadka iyo Somalia kuna amartay inay ka baxaan guud ahaan Somalia.
