Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Caawa kormeer shaqo ku tagay Isbitaalka Guud ee Gobolka Baay.

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa inta uu ku guda jiray u kuurgalay xaaladda guud ee isbitaalka, adeegyada caafimaad ee uu bixiyo, caqabadaha jira, iyo baahiyaha degdegga ah ee ka taagan. Sidoo kale, waxa uu warbixinno ka dhageystay maamulka isbitaalka, dhaqaatiirta iyo howl-wadeennada caafimaadka.

 

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta iyo tayeynta adeegyada caafimaad si bulshada gobolka Baay u hesho daryeel caafimaad oo tayo leh. Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in Dowladda Koonfur Galbeed ay sii xoojin doonto dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha caafimaadka iyo kor u qaadista adeegyada isbitaallada guud.

 

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada adag ee ay hayaan dhaqaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka isaga oo ku dhiirrigeliyay in ay sii laba-laabaan dadaalladooda badbaadinta nolosha shacabka.

Leave comment

Your email address will not be published. Required fields are marked with *.