Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Kuna Hambalyeeyey Shirgudoonka Cusub ee golaha wakiilada Somaliland loo doortay Maanta inay Hoggaamiyaan .
Muuse Biixi oo aan ku farxin natiijada doorashada kasoo baxday ayaa hadana ku qasbanaaday in si deg deg ah ula kulmo uguna hambalyeeyo shir gudoonka Golaha Wakiilada ay ku guuleestay isbaheysiga Xisbiyada Mucaaradka ee Wadani iyo UCID.
Musharaxiintii xisbiga Kulmiye usoo xulatay Doorashada Gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa laga adkaaday, waxaana doorashada kusoo baxay oo olole fiican sameeyay xisbiyada isbaheestay ee Mucaaradka.
Natiijada doorashada maanta kasoo baxday ayaa rajo beel ku rideysa Xisbiga Kulmiye uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, waxaana xisbigan horey looga guuleestay doorashooyinkii golaha Wakiilada iyo deegaanka Somaliland.